Deg deg:Gaari siday Qaraxyo & Hub

0
221

Saraakiisha ayaa Gaariga iyo Hubka ku qabtay gobolka Isio ee dalka Kenya waxa ayna xaqiijiyeen inuu ka imaaday Soomaaliya.

Saraakiisha oo qabashada Gaariga Qaraxyada siday iyo Hubkaba la wadaagay Saxaafada ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Soomaaliya.

Qaraxyada uu siday Gaariga ayaa waxaa kamid ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan nooca ay isticmaalaan Shabaabka.

Sidoo kale, Booliska gobolkaasi Isio ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko.

Docda kale, Booliska Isio ayaa iminka wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan raga la socday Gaariga oo labo ah kuwaa oo ka baxsaday ciidamada.