Kulan xubnaha barlamaanka Soomaaliya ay su’aalo ku weydiinaayeen qaar ka mid wasaarada cusub ee xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya guddi u saartay arrinta ku aadaneyd kireynta safaaradii Soomaaliya ee wadanka Talyaaniga oo beryahanba dood ay ka taagneyd kadib markii danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’ uu shaaciyey inuu kireeyay safaaradda dhismeheeda.
Wasiirka arrimaha dibadda ahna raysul wasaare ku xigeen Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay baarlamaanka hortagtay ayaa shaaca ka qaaday in guddi uu magcaabay raysul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon ay ku hawlan yihiin arrinta safaardda sidii war looga heli lahaa, waxaana wasiirka sheegtay in si deg deg ah looga jawaab keeni doono asbaabaha ka dambeeya kireynta gurigii safaarada Soomaaliya ee Rome oo mudo dheer gacanta Soomaalida ka maqnaa oo haddana dib loo kireeyay.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxay sheegtay in guddigaasi uu magacaabay raysul wasaaraha ay ka kooban yihiin wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo qurbejoogta Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo ay ku jiraan sharci-yaqaanno si arrinta kireynta safaaradda loogu saleeyo sharci.
“Arrintaasi anigu waa iga horeysay markaan imid,.. sidaad u maqasheen baana u maqlay, laakiin waxaa jira guddi raysul wasaaruhu u saaray oo aan anuguna ku jiro waxaana filayaa in dhowaan jawaab la idiin keeni doono.” Sidaasi waxaa xildhibaada u sheegtay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Danjire Nuur Cadde oo ah danjiraha Soomaaliya u jooga Talyaaniga iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in isaga uu kireeyay dhismaha safaaradda Soomaaliyeed ee Rome kadib markii mudo uu burbursanaa, waxaana danjiruhu u cuskaday kireynta safaaradda in dib loogu dayactirayo kharashka ka soo xarooda, walow uusan soo bandhigin heshiiska kireynta