Muqdisho (INO)—Wararka ka imanaya deegaanka Waanbati ee degmada Wanalaweyn ayaa sheegaya in ay saaka ka jirto xiisad colaadeed iyadoo halkaas ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.
Barqanimadii shalay ayaa kolonyo ciidamada dowlada ah oo ka tegey Ballidoogle waxaa wadada u galay dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab iyadoo halkaas dagaal xoog leh oo ka dhacay ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in deegaankaas oo roobab ay dhowaan ka da’een ay adag tahay in gaadiidku uu gaaro waxaana lagu soo waramayaa in ciidamo gurmad ah oo ka tegey Ballidoogle ay gaareen meel u dhow halka uu dagaalku shalay ka dhacay.
Ciidamada gurmadka ah ayaa la sheegay in ay doonayaan in weerar rogaal celis ah ku qaadaan fariisimo ay ururka Alshabaab ku leeyihiin deegaano hoos taga degmada Wanalaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Ururka Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay iyagoo sheegay in ay ku qabsadeen illaa afar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada dowlada.
Idale News Online, Muqdisho