
Wararka u dambeeyay ee ka imanaya qaraxa ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay isgoyska lambar afar ayaa sheegaya in sagaal ruux ay ku dhinteen 12 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxan.
Qaraxan oo ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa geystay qasaarihii ugu badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii weerarka is qarxinta ahaa lagu qaaday maxkamada magaalada Muqdisho bartamihii bishii hore.
Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxan ayaa badankood waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo badankood sugayay baabuur ay halkaas ka raacaan iyo qaar kale oo saarnaa baaburta Mini buska. In ku dhow toban baabuur oo nooca Mini Bus ka loo yaqaan ayaa ku gubatay qaraxan ismiidaaminta ah.
Hase yeeshee qaraxan ayaa waxaa ka badbaaday dadkii saarnaa kolonyo baabuur ah oo uu ka mid ahaa baabuur uu leeyahay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya.
Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan hase ahaatee qaraxyadan oo kale ayaa waxaa hore u sheegan jiray ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowlada Federalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay ahayd mid degen iyadoo ammanka si aad ah loo adkeeyay waxaana uu qaraxan ku soo beegmayaa iyadoo maalinta Talaadada ah uu ka furmi doono shir loogaga hadlayo arrimah dalka Soomaaliya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Dowlada Ingiriiska ayaa waxa ay bilowday in ay garab istaagto dowlada Federalka Soomaaliya iyadoo dhowaan ka furatay safaaradii ugu horeysay muddo 22 sano ah.
Idale News Online Mogadishu