Faah faahin ka soo baxeysa Gabar Saxfiyad aheyd oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

0
220

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Gabar saxafiyad aheyd oo u shaqeyneysay Idaacad ku taal degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Gabadhan oo lagu magacaabo Raxmo Cabdiqaadir ayaa waxaa xalay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay kooxo hubeysan.

Raxmo Cabdiqaadir ayaa waxay u geeriyootay dhaawac soo gaaray, kadib markii kooxihii hubeysnaa ay ku dhifteen ilaa shan xabadood sida dad goob joogayaal ay sheegeen.

Agaasimaha Radio Caabudwaaq C/kariin Maxamed Bulxan ayaa sheegay in gabadhan ay ku soo biirtay Idaacada saddex bilood ka hor, ayna ka mid aheyd qeybta farsamada, waxaana uu xusay inay dhameysatay tababarka.

Gabadhan ayaa la sheegay inay Muqdisho ay gaartay dhowaan, iyadoo aan la ogeyn cida ka dambeysay dilka.

Mr Bulxan ayaa sheegay inuu ogeyn goorta ay Muqdisho aaday, balse aanay ku wargelin inay Muqdisho aadeyso, waxaaba uu xysat inuu ka war helay in maalmo ka hor ay tagtay Muqdisho..

Gabadhan ayaa noqoneysa gabadhii u horeysay ee Saxafi oo lagu dila magaalada Muqdisho, tan iyo markii sanadkii 2005-tii agagaarka degmada Afgooye lagu dilay Gabar Wariyad aheyd oo u shaqeyneysay Idaacadii Horn Afrik oo lagu magacaabay Duniyo Muxiyadiin Nuur.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo haweenka ayaa bilihii u dambeeyay ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, iyadoo bishan gudaheed lagu dilay saddex haween oo ay ugu dambeysay haweeney u shaqeyneysay Hey’ad Turki ah oo maalin ka hor lagu dilay degmada Dharkeenley.

Idale News Mogadishu