Faah faahin ka soo baxayso dab xalay ka kacay Suuqa ween ee Bakaaraha

0
185

Idalenews-Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay dhismayaal lagu iibiyo kabaha, waxaana loo maleynayaa in dabka uu sababay cilad koronto.

Halka uu dabka ka kacay ayaa u dhow Suuqa Daawada, waxaana la sheegay dhismayaasha uu dabka ka kacau uu gebi ahaanba baabi’iyay.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha hantiyadeed ee uu saameeyay dabkaas, waxaana mar dambe lagu guuleystay in la damiyo, inta aanu ku fidin dhismayaal hor leh.

Dhowr jeer ayaa Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka kacay Dab, iyadoo sanadkan gudihiisa uu muddo saddex jeer uu dab ka kacay, waxaana sababaha uu dabka ugu soo noq noqdo Suuqa la sheegay hanaanka uu u dhisan yahay suuqa oo dhismayaasha suuqa ay aad isugu dhow yihiin, taasoo mar kasta oo dab uu kaco ay adag tahay in laga hortago.