Faah Faahin: Dagaal Beeleed dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Mudug

0
234

Gaalkacyo ( INO)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed khasaaro sababay oo ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

Dagaalka oo u dhexeeyay Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Far Jamaale isagoona  daba socday xiisado horay halkaas uga aloosnaa .

Mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen maamullada Puntland iyo Galmudug dagaal beeleedkaasi dhexmaray labada Maleeshiyo ee ka soo kala jeeda deegaanada maamulladaas ka arrimiyaan.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa la soo warinayaa in Xarumo caafimaad oo ku kala yaalla Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo lagu dabiibayo.