Muqdisho{INO}qaraxii saaka kooxaha argagixisada ah ee Urarka Al Shabaab ay ku qaadeen xarunta taliska ciidanka taraafikada ee degmada Shangaani ayaa waxaa khasaaraha ka dhashay waxaa ka soo baxaya faah faahin dheeraad ah waxaan la soo sheegayaa in dhimashada dhaawaca uu kordhay.
maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa 5 ruux ay dhimashadu gaartay oo labo ka mid ah ay yihiin kooxdii weerarka soo qaaday oo midna is qarxiyay midna ay toogteen ciidammada amaanka ee xarunta ku sugnaa. sidoo kale maamulka waxaa uu sheegay in dhaawaca uu gaarayo 8 ruux oo shacab iyo askar isugu jira.
isbitaalada ayaa la soo warinayaa in la gaarsiiyay dhaawacyada dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii saaka howlwadeenada caafimaadka ayaana ku howlan dabiibka dadkaas maamulka ayaana ciidamadda amaanka ku amaanay fashilinta weerarkaa oo aysan kooxdu ka gaarin hadafkii ay ka lahayd.
dhanka kale maamulka ayaa u sheegay warbaahinta in ciidammada amaanku ay qabteen labo nin oo ka tirsan kooxda Urarka Al Shabaab kuwaa oo saaka labo ruux oo shacab ah ku dishay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir waxaana hadda ay ku jiraan gacanta hay’adaha amaanka .