Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa Maalmahaan ka socda diyaargowgi ugu weyna ee logu jiro Furitaanka Shirweynaha Jubbaland State Of Somalia.
Gudiyada Kala duwaan ee ku howlan dhisida Maamulka Jubbaland ayaa waxaa isku qaybiyeen labo qaybood ayado qaybi ay ku mashquulsantahay diyaarinta Shirweynaha iyo Habsami u socodkiisa .
Halka Qaybta kale lo xilsaray daad guraynta iyo dajinta ergoyinka ka qayb galaya Shirweynaha Jubbaland ee ka kala imanaya Gobolada Jubbad hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.
Markaan u soo labano Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay Gobolada laga soo qaadayo Ergoyinka ugu badan waxaana ergoyinka ku sugan Gobolka la faray in ay iskugu tagaan 3 Magaalo oo leh Garoomo Diyaaradeed wana Magaaloyinka Garbaharey, Ceelwaaq, Doolow,
Gobolka waxaa lo diriyaa 3 Diyaaradood oo soo dad gureeya Ergoyinka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo waxaana la saadalinaya ila iyo 18 ka bishaan in ergada Gobolka Gedo ay ku soo garaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ergada Gobolka Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe ayaa waxaay iskugu tagi doonan Magaaloyinka Afmadow iyo dhoobleey halkaas oo si wada jir ah loga soo qadi doono waxaana arinkaan lagu macneyay Gobolka Jubbada dhexe oo aan ahayn Gobol xor ah oo si toos ah loga soo qaadi karo Magaalo ka mid ah Gobolka Ergoyinki matalilaha .
Dhanka kale waxaa la dhamaystiray Holki uu ka dhici laha Shirka iyo Waliba Hoygi ay saxan la hayeen iyo tasiiladka kale ee ay u bahan yihiin Ergoyinka ka qayb galaya Shirlka .
Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu furmaya 23 bishaan aanu ku guda jiro waxaana uu socon doona mudo 15 bari ah ayado mudadaasi laga doodi doono ansixinta Dastuurka Jubbaland ee la soo diyaariyay so xulista xubnaha Barlamanka ,Dorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka kowaad, iyo labaad waxaana la soo afjari doono Shirweynaha sida qorshuhu yahay 08/03/2013.
Sida Qorshuhu yahay Madaxweynaha ayaa waxaa uu soo magacaabi doono Golaha Wasiirada waxaayna ka kobnan doonan 10 wasiir sido kale Madaxweynaha waxaa uu soo magacaabaya Gudomiyeyaasha Gobolada Jubbaland State.
Amanka Magaalada Kismaayo ayaa siweyn lo xojiyay waxaana sido kale magaalada ku soo wajahan Ciidamo dheraad ah oo logu tala galay xojinta Amaanka guud ee Magaalada Kismaayo waxana ciidankaasi hada ay soo gareen Dagmada Afmadow waxaana horkacaya Taliyaha Guutada kowaad ee Ciidamada Jubbaland Col Cabaas Ibrahim gureey.
Idale News Muqdisho