Dhageyso:Ergooyinka Shirka Cadaado Oo Eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamada

0
227

Cadaado(INO)— Qaar ka mid ah Ergooyinka shirka ka socda degmada Cadaado ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamada inay marin habaabin ku hayaan shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

cadaado conference- somalia

Ergooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa dalbaday in loo madax banaaneeyo Ergada howshooda, isla markaana la joojiyo cadaalad darada lagu sameynayo beelaha qaar.

“Marin habaabinta lagu wado shirka maamul u sameynta Mudug iyo galgaduud ha laga joojiyo, waxaa dalbaneynaa in shirka tubtiisa xaqa aheyd lagu soo celiyo, fara gelinta ay ku hayaan shirka Guddiga farsamada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka daayaan”ayuu yiri mid ka mid ah Ergooyinka shirka.

Sidoo kale waxaa qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa sheegay inay jiraan ergooyin aan sax aheyn oo la siiyay kaarar been abuur ah.

Jahwareer ayaa ka jira habsami u socodka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, iyadoo shirkan oo dhowaan galay wajigiisa labaad, waxaa la isku mari la’yahay qaabkii la isku afgaran lahaa dastuurka uu yeelanayo Maamulka.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa ku sugan Cadaado, waxaana ay dadaal ugu jiraan sidii shirka lagu soo biirin lahaa beelo ka maqan, isla markaana loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Idale News Online, Cadaado

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here