Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dadka aan Muslimka ahayn ay xusi karaan Ciidda Masiixiyiinta, oo ku beegan 25-ka bishan.
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa waxaa uu tilmaamay inaanay fara-gelin doonin dadka aan Muslimiinta ahayn, haddii Muslimiinta caalamka aan lagu fara-gelin inay u dabaal deggaan Ciidahooda.
“Dadka aan Islaamka ahayn hawlahooda way qabsan karaan, hawlahooda anagu ku fara-gelin mayno. Meelkastoo dadka Muslimiinta jooggaan ayaan ognahay inaan lagu fara-gelin waxay samaynayaan. Dadkaas aan Muslimiinta ahayn anagu ma haysano.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC.
Isagoo ka jawaabaayay amar ka soo baxay Talaadadii oo uu ku mamnuucay in hoteelada Magaalada Muqdisho lagu qabto xuska Ciidda Kiristaanka, ayuu sheegay inay kaga hortaggayeen in la weeraro dadkaasi.
“Waxaan dhahnay anagu dadkan Somaliyeed waa Muslimiin, Ciidahoodana waa yaqaanaan. Ciid Masiixi ah oo hadda la qabanaayana ma jirto, waxaana ka feejignayn in dadkan dhiigoodu lagu baneysto.”
Waxa kaloo uu yiri “Dadka meelaha isugu imaanaaya ama hoteelada isugu imaanaaya in la yiraahdo Ciid Kirismis ayay samaynayeen, inta la yiraahdo dhiigoodu la baneysto ayaan diideynay.”
Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliya, ayaa waxay Ciidamada Dowladda ku amartay inay ka hortaggaan in Magaalada Muqdisho lagu qabto xuska Ciidda Masiixiga iyo in looga dabaaldeggo dhalashada sanadka 2016.
Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa la socon doono dhaq dhaqaaqyada hoteelada Caasimadda, si ay kaga hortaggaan in lagu qabto xuska la xiriira Diinta Masiixiyiinta.
Idale News Online, Muqdisho