- Dr,Cali Cabdi Baab , waxuu cod dheer ku Cambaareeynayna
a Hadalkii ka soo yeeray Feeysal Cali Waraabe, - maxuu kayiri hoos ka aqriso :-Hadalkaasi oo ahaa mid aan loo meel dayanin lagana fileeynin Qof Diin & Akhlaaq leh oo raba in uu ummad hogaamiyo. Hadalkaasi oo ahaa Gaf & Meel ka dhac ee uu u geeystay,Waziir
ka Dakadaha & Gaadiidka xukuumada federaalka soomaaliya Drs,Marwo. Maryan Aweeys Jaamac, asagoo adeegsaday ereyo xanaf leh isla markaana lid ku ah dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka & Dareenka ilbaxnimada intaba.Feeysal waraabe wuxuu u dhaqmay ama yahay Cunsuri, maxaa yeelay wuxuu inkiray jiritaanka Beelweeyn oo ka mid ah Beelaha soomaalida ee soo jireenka ah, Bulshada Beelweeynta ay ka dhalatay Drs,Marwo. Maryan Aweeys Jaamac, waa bulsho Nabadeed oo wax soo saarka Dalka kaalinta koowaad kaga jira, jecelna Nidaam Dowladeed & is xaq-dhowr aan la inkiri karin.Hadaba wax lala yaabo ma ahan hadalka Mr,Waraabe ka soo yeeray maxaa yeelay Qof kasta waxa uu hadli karaa inta uu Caqligiisa & Aqoontiisa la egtahay. Feeysal waraabe waxaan u aragnaa in uu san laheeyn biseeyl & siyaasadeed & mid Aqooneyd ee lagu kasban karo hogaamin ummadeed, iyadoo waqtigan Caalamka uu ka gudbay Heeyb-sooc, cunsuriyad & isla weeyni ku dhisan Riyo beenaad. Shacabka reer soomaali-land & Beesha Caalamka aan ugu Baaqeeynaa in ay ka joo-jiyaan Taageerada macnawiyan & maadiyan oo ay u haayaan Feesal waraabe & Xizbigiisa, maxaa yeelay waxa uu ku xadgudbay Qawaaniinta Caalamiga ah ee ka reeban cunsuriyada & isir-naceeybka. - Waxaan aaminsanahay in ay Soomaali-land ku jiraan Dad badan oo waxgarad ah oo leh Aqoon-diineeyd & Maadiba, hadaba Dadyoowgaas Wax-garadka ah waxaan ka codsaneeynaa in ay cudurdaar ka bixiyaan Hadalka Gafka ah ee Feeysal waraabe, hadii kale waxaan u qaadaneeynaa in ay isla wada qabaan Fikirkaasi Guracan ee ah Cunsurinimada ku saleeysan Isir-naceeybka &Takoorida.
Wakiilka Maamulka Koonfur galbeed
Dr,Cali Cabdi Baab - Fikirkiina saleemka ah waad nala share gareenkartaan
Home Idale Somali News Update Dr,Cali Cabdi Baab “waxaan cod aad u dheer aan ku Cambaareeyneynaa Hadalkii...