Dr. Nuur Jimcaale “Doorashooyinka xalaal ma ahan, waxaa ka jira musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed”

0
189

Muqdisho(INO)— Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed ay hareeyeen doorashooyinka Labada aqal ee ka kala dhacay deegaanada maamul goboleedyada, isagoo xusay in cabasho badan ay soo gaartay xafiiskiisa.

Dr. Nuur Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay lix kursi oo la doortay aan loo marin sifooyinkii sharciga ahaa, qaarkood gacan taag loogu codeeyay, isagoo tilmaamay in xafiiskiisa uu wado baaritaan ku aadan arrimahan.

“Arrinta iga soo baxday doorashooyinka sax ma ahan, cabasho badan ayaa xafiiskeyga soo gaartay oo ah in kuraasta qaar ay ku tartamayeen shaqsiyaad magac u yaal ah, qaarna tartamayaasha ahaa dibada lagu reebay, ergooyinka qaarkood lacag lagu kala gadanayay, waxyaabo abdan oo qalad ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanada maamul goboleedyada”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meelaha musuq maasuqa, gacan ka hadalka iyo awood sheegashada ay ka dhaceen ka mid yihiin Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo sida uu yiri.

“Jowhar waxaa ka dhacay ka hadal, Cadaado sidoo kale qof baa lagu dilay, bishii hore dhamaadkeeda Baydhabo nin tartamayaasha ka mid ahaa ayaa banaanka lagu celiyay, oo la yiri wuu tanaasulay, Kismaayo waxaa ka dhacday in rag ergooyinka ka mid ahaa inay isku dilaan, waxyaabahaas oo cadeymo ah ayaa heynaa”ayuu yiri Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Waxaa uu sheegay in lacaga ay diiwaan geliyeen ee hal kursi lagu kala gatay uu gaaray lacag dhan Hal Milyan iyo saddex boqol oo dollar, isagoo ku tilmaamay sicir barar ka jira kuraasta qaar ee Xildhibaanada, gaar ahaan kuwooda ugu miisaanka leh.

“Lacagaha la kala qaatay, qaar baa gaaray Hal Milyan iyo saddex boqol, waxay ka kala dhaceen Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaa la kala gadanayay ergada, qaar baa halkii cod lagu iibsanayay shan kun illaa sodon kun”ayuu mar kale yiri Hanti dhowraha Guud.

Waxaa uu kaloo ku eedeeyay Guddiyada doorashada ee maamul goboleeyada inay lacagaha ay qabteen aanay ku ridin akoonadii loogu tala galay, isla markaana ay jireen akoono si gaar ah loogu shubtay, waxaana uu xusay in halkaas ka maqan tahay isla xisaabtan

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in doorashooyinka ka dhacay deegaanada maamul goboleedyada aanay aheyn doorasho xalaal ah, isla markaana ay ka jiraan musuq maasuq iyo sicir barar, isla markaana qof walba wixii uu xaqa u lahaa aanu helin.