Dowlado Soo Saarey Hanaan Nabadeed Oo Ka Dhici Karto Doorashada 2016 Ee Soomaaliya

0
219

Muqdisho(INO)-Dowladaha Nigeria,France,US,Russia iyo UK ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay hirgelinta hanaan nabadeed oo ay ku dhici karto doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka.

Waddamada o kulan ku yeeshay Xarunta Qaramada midoobey ee Newyork ayaa Dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay horumarin ku sameyso sugidda amniga,la dagaallanka Musuq maasuqa,Garsoor caddaalad ah iyo ka shaqeynta qancinta daneeyayaasha doorashada 2016-ka.

Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Nigeria u fadhiya Qaramada midoobey  Professor Joy Uche Ogwu ayaa sheegtay in qaabeynta dowlad goboleedyo ku meel gaar ah,diyaarinta dastuurkii lagu hagi lahaa ay tusaale u yihiin muhiimadda iyo dadaalka ay waddo Soomaalida ee doorashada 2016ka,waxaase ay sheegtay in laga walaacsan yahay kaliya sida lagu gaari karo doorasho rasmi ah ooka dhacda Soomaaliya 2016-ka.

Waxaa ay intaa ku dartay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha horseedi kara doorasho nabadeed oo ka dhacda Soomaaliya.

Wakiilka joogta ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Mareykanka Samantha Power ayaa sheegtay in Dhamaadkii Bishii August ee Sanadkan Muqdisho ay ka dhacday mid ka ka mid dhacdooyinka muujiya horumarka uu dal hiigsanayo taas oo ahayd Bandhig Carwada Buugaagta ee Muqdisho International Book Fair.

waxaana ay intaa ku dartay in soo kabashada ay mar qaati ka tahay in kala bar buugaagtaasi la iibsaday ay qoreen Haween,kuwaas oo Dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka yimid.

Xog-hayaha Arrimaha dobadda Ingiriiska ahna Madaxweynaha Golaha Amaanka ee Bishan November Philip Hammond ayaa sheegay in 4 Sano ka hor ay inta badan Soomaaliya xukumayeen Al-shabaab, oo ay ku jirto Caasimadda,isla xilligaasina ay dhaceen 174 Weerar Burcad Badeed,maantana aysan jirin labadiiba.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here