Dowladda UAE oo sii kordhineysa Taageeradeeda Somalia

0
212

Abu Dubai ( INO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal Sugaha Boqorka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada Abu Dubai ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Xiriirka Labada dal.

Labada Masuul ayaa kulankooda si weyn Diiradda ugu saaray sare u qaadida Mashaariicda Horumarineed ee Isutaga Imaaraadka Carabta ay ka wado Somali iyo sidii ay ugu qayb qaadan lahayd dib u dhiska Somalia oo muddo dheer ku jirtay Burbur iyo Colaado.

Dhaxal Sugaha ayaa Balanqaaday in dalkiisa uu Somalia si weyn ugu taageeri doono la dagaalanka Xarakada Al Shabaab oo si xoogan ugu soo horjeedo Dowladda Somalia si dalka mar kale uu xasiloonidiisi ugu soo laabto.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntii si weyn uga Mahad Celiyey dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu xusay in mashaariic kale duwan oo isagu jirta kuwa dhismo iyo kaalmo Beni’aadanimo ay ka sameysay Somalia.

Dowladda Imaaraatka ayaa horay u balan qaaday in ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ay ka wado Somalia iyo waliba taageerada ay siiso Dowladda Federaalka ah ee Somalia.