Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Ankara

0
237

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga, kaasoo ay ku dhinteen 28 ruux, halka 61 kalena ku dhaawacmeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa tacsi loogu diray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaaga tacsiyeynayaa dilka dadka aan waxba galabsan ee weerarkii xalay lagu dilay, iyo kuwa ku dhawacmeyba. Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun. Waxaan kuu caddeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay walaalahoda Turkiga ku garab taagan yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxaa naga go’an xaqiijinta in dalalkeena ay noqdaan kuwo ka madaxbanaan kooxaha xag-jirka ah, taageerayaashooda iyo dhaqdhaqaaqoda intaba,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in dunida looga baahan yahay inay iska kaashato, si hufanna isugu abaabusho sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo weeraro naceyb ku dhisan ku qaadaya aadminimada iyo ilbaxnimada.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkan lagu dilay dadka aan waxba galabsan. Weerarkan waxaa uu ahaa mid ka dhan ah nabada iyo ilbaxnimada caalamka. Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga. Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhiraba.’’

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka dhaawacmey Ilaahay uga baryey inay deg-deg u caafimaadaan, kuwa dhinteyna uu Ilaahay Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoysaskoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, iyadoo Turkigu Safaarad ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayna jiraan hey’ado ka socda Turkiga oo howlo sama fal iyo mashaariic ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here