Dowladda Shiinaha oo $ 1.2 million ugu deeqday howlgalka AMISOM

0
205

Muqdisho (INO) Dowladda Shiinaha ayaa lacag gaaraysa 1.2 million oo dollar ugu deeqday howlgalka lugu nabadeynayo Soomaaliya,sida lugu sheegay war ka soo baxay Midowga Afrika.

Waxaa lacagtan loogu tala-galay qalabeynta iyo tababarada ciidanka AMISOM ee ka socda dalalka Midowga Afrika.

Ismail Chergui oo ah guddoomiyaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dowladda Shiinaha ay ugu deeqday lacag dhan 1.2 Million oo dollar oo loogu tala galay in lagu hormariyo ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Dowladda China ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageerrayso dadaallada nabadda loogu raadinaayo Soomaaliya.

Deeqdan ayaa ku soo aaday xilli howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu ka cabanayo dhaqaalo yari hoos u dhigay dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda.