Waregtadaasi ayaa lagu farey Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaaradda Maaliyadda inay la wareegtio idil ahaan shaqooyiinkii ay hayeen shirkadahaasi, amarkaan ayaan saameyn doonin shirkadaha Turkiga ee maamula Garoonka Diyaardaha iyo Dekadda Muqdisho, kuwaasi oo wareegtada lagu sheegay inaaney ku jirin kuwa heshiisyada looga baxay.
Berri ayaa la hadal hayaa in wareegtadaasi la hor geeyo oo looga doodo shirka khamiislaha ah oo ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Soomaaliya, Waa markii ugu horeysay ee amar sidaa u weyn uu ka soo baxo Xukuumada Xasan Cali Kheyre, lama oga sida uu amarkaan u fuli doono