Dowladda Mareykanka oo Soo Dhaweysay Magacaabista R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

0
231

Xukuumadda Dalka Mareykanka ayaa si diiran u soo dhaweysay  R/wasaaraha cusub ee loo magacaabay dalka Soomaaliya  Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo sheegtay in ay la shaqeyn doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale R/wasaaraha Cusub.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweyneyso  magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya isla markaana shaaca ka qaaday in taageero caalami ah ay la garab taaganyihiin Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya.

Qoraalkan ka soo baxay Washigton ayaa lagu sheegay in R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon looga fadhiyo in uu soo dhiso gole wasiiro tayo leh oo wax ka qaban kara xaaladda dalka, waxaana baarlamanka Soomaaliya loogu baaqay in ay meel mariyaan R/wasaaraha iyo golahiisa wasiirada si ay qeyb weyn oo muhiim uga qaataan dib u soo nooleynta rajada Shacabka Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay dowladda Washigton ayaa sido kale  lagu xusay in dowladda Mareykanka ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya ayna sii wadeyso taageeradeeda kana qeyb qaadaneyso xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Ugu dambeynti Washigton ayaa dowladda cusub ee Soomaaliya ka  jareysay in ay la timaado shaqo hufan si loo  samatabixiyo dhibaatada ka taagan dalka mudada ka badan 20 ka sano ee uu kujiray dagaalo sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii Sabtida aheyd ee taariikhdu ku beegneyd 06 October, u magacaabay xilka R/wasaarenimo ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).