Dowladda Kenya ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliya waraaqda milkiyada dhulkii Safaarada Soomaaliya ay ku laheyd magaalada Nairobi, kaasoo sanadkii 2010 ay u xukmisay Maxkamada sare ee dalka Kenya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in muddo ah ay sugayeen waraaqda lahaanshiyaha dhulka, kadib markii ay Maxkamada u xukuntay sanadkii 2010, waxaana uu tilmaamay in dhowaan ay dayactir ku sameyn doonaan dhismahaas oo ahaa mid bur bursan.
Amb. Ameeriko ayaa sheegay in dacwada Maxkamada ay dib u fureen sanadkii 2006-dii, markii loo soo magacaabay Safaarada, isla markaana sanadkii 1995-tii uu Nin Safiir ka ahaa Kenya uu iibsaday dhulka Safaarada Soomaaliya ku laheyd magaalada Nairobi.
“7-dii December ayay Maxkamada sare ee dalka Kenya noo xukunta in dhulka Safaarada Soomaaliya naloo soo celiyo, laakiin ilaa iyo hada waxa sugeynay milkiyadii warqada, xafiiska Wasaarada dhulka ay leedahay, waana nagula soo wareejiyay”ayuu yiri Amb. Ameeriko.
Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay inay Safaarada u guuri doonaan, marka ay dhisaan, isagoo xusay in dhismaha ay haatan degan yihiin uu yahay dhisme kiro ah, waxaana uu u mahad celiyay Jaaliyada Soomaaliyed kaalinta ay ka qaateen soo celinta dhulkaas.
Si kasta ha ahaatee dhismaha Safaarada Soomaaliya ku laheyd magaalada Nairobi ayaa waxaa horay u iibsaday Safiir dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka kenya, kaasoo nin u dhashay dalka Hindiya uu ka iibsaday, waxaana dacwad dheer kadib lagu guuleystay in dib loo soo celiyo dhulkaas oo ka mid ah hantida qaranka.
Idale News Muqdisho