Wax yar kadib markii xalay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu si buuxda isugu raacay in la qaado xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya mudo ka badan 22 sano ayaa waxaa durbadiiba ka hadlay wakiilada joogtada ee dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay.
Danjiraha dawladda Mareykanka Susan Rice oo ugu horreyn shir jaraa’id kaga warbixisay sidii ay dawladda Mareykanka ugu ololeysay qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in dawladda Mareykanka ay ku faraxsan tahay in ay aragto caalamka oo hal aragti ka qaatay Soomaaliya.
“Tani waxay tusaale cad u tahay in caalamka uu doonayo inuu taageero dawladda cusub ee Soomaaliya.” Sidaasi waxaa yiri danjiraha Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay.
Waxay sheegtay in dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hadal farriin u diray beesha caalamka kaas oo ahaa “in caalamka uu yeesho hal cod iyo hal go’aan oo ku aadan arrimaha Soomaaliya’’
Dawlada Mareykanka ayaa bilawgiiba qaraarka lagu qaadayay cunaqabateynta hubka horgeysay golaha amaanka iyadoo dawladaha diidana ay ka mid ahaayeen Ingiriiska iyo Faransiiska.
Dhanka kale waxaa isaguna xarunta Qaramada Midoobay shir jaraa’id ku qabtay Mark Lyall Grant oo ah danjiraha Ingiriiska u jooga Qaramada Midoobay kaas oo sheegay in qaraarka markii hore la isku diidanaa laakiin markii dambe ay u wada codeeyeen dhammaan 15 dawladood ee xubnaha ka ah golaha amaanka.
“Qaraarkan wuxuu wataa tiro waxyaabo lagu kontoroolayo, waxaana laga rabaa dawladda Soomaaliya in sanad kasta labo jeer ay soo wargeliso guddiga caalamiga ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.” ayuu yiri Grant.
Danjiraha UK wuxuu kaloo sheegay in mudada sanadka ah haddii lagu helo dawladda Soomaaliya ama koox kale in ay ku xadgudbeen cunaqabateyntan in markaasi ay qaadi doonaan tallaabo ku haboon.
Waa markii ugu horreysay oo mudo ka badan 21 sano la qaado xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya taasoo golaha amaanka ay ku soo rogeen sanadkii 1992 markii dagaalada ay ka qarxeen Soomaaliya.
Idale News Muqdisho