Dowlada Turkiga Oo Ka Baxday Heshiiskii Xuquuqda Aadanaha Yurub Ee ECHR

0
379

erdogan2
ANkara(INO)-Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiskii xuquuxda aadanaha Yurub ee loo yaqaan European Convention on Human Rights (ECHR) saddexda bilood ee uu dalka ku jiro xaaladda deg-degga ah.

Warkan ayaa waxaa baahisay warbaahinta laga leeyahay Turkiga ee Hurriyet taas oo qoraal ahaan uga heshay wasaaradda warfaafinta dalkaasi.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli xalay uu madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay saddex bilood oo xaalad deg-deg ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in afgambigii dhicisoobay uu ahaa farrin uu Ilaahay usoo diray Turkiga, sidaas darteedna laga faa`iideysanyo fursadaasi si dalka looga nadiifiyo argagixisada khaswadayaasha ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qoraalka ka soo baxay dowladda turkiga ee ku aadan ka bixidda heshiiskan xilliga uu dalka ku jiro ayaa waxaa lagu yiri: “Waxaan xaqiijineynaa in nolosha caadiga ah iyo xorriyadda dhaq-dhaqaada uusan saameyn doonin ka bixidda heshiiskan, balse waxaa muhiim ah in la sugo ammaanka dalka iyo dadka reer turki”

Ugu dambeyntii Xaaladda siyaasadeed ee dalka Turkiga ayaa maalmahan kacsan kaddib markii maalmo ka hor uu dalkaasi ka dhacay afgambi dhicisoobay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.