Istanbu(INO)-Wakaaladda Iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ee dalka Turkiga ayaa war ay soo saartay Jimcihii toddobaadkan ku sheegay in ay Somaliland ka hirgelisay mashruuc biyood ay muwaadiniin badani ka faa’idaysan doonaan.
War ay Idale News Online kasoo xigatey Geeska Afrika oo isna soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa intaas ku sii daray in, hay’addani oo gargaarka dibadda u qaabilsan dalkaas, si toos ahna u hoostagta xafiiska raysalwasaaruhu ay sheegtay in mashruucan ballaadhan ay la kaashatay wakaaladda guud ee biyaha ee dalkaas.
War-murtiyeedka ka soo baxay wakaaladda gargaarka ee Tika ayaa isaga oo faahfaahinaya mashruucan oo sida muuqata ay ka waddo guud ahaan dalka Soomaaliya, qorshuhuna yahay in ay ka faa’idaystaan 400 oo kun oo Soomaali ah, qaybta Somaliland kasoo gaaray waxa ay tiri, “Shan Ceel ayaa laga qoday Somaliland oo biyo yaraani ay ka jirto, waxaana ka faa’idaysanaya 45 kun oo qof”
Hayadda Tika waxa ay si gaar ah u xustay, ceel ay ka qodday deegaanka ku dhow xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, iyo tirada dadka ay ugu talogashay in ay ka faa’idaystaan, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay war-murtiyeedkeedan ku tidhi, “Waxaa xusid mudan in aanu ceel ka qodnay meel ku dhow xuduudka Itoobiya, (Somaliland la leedahay) waxaana ka faa’idaystay kun qof”
Idale News Online,Istanbul