Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dooday qorshe Xukuumadda ay ku dooneyso in dib loogu howl geliyo Bankgiga Ganacsiga Soomaaliya oo wixii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexe Soomaaliya aanan shaqeyn.
Ibraahim Isxaaq Yarow Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in golaha Wasiirada ay ka hadleen qorshe dib loogu soo nooleynayo Bankgiga Ganacsiga Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay dib u howl gelinta Bankgiga u arkeen mid horumar u ah dib u soo nooleynta Ganacsiga Soomaaliya.
Bankgiga Ganacsiga Soomaaliya ayaanan shaqeyn in ka badan 22 sano oo uu dalka bur bur ku jiray Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo imika sheegatay in ay dib u howl gelineyso Bankgiga Ganacsiga ayaa hadii ay ku guuleysato waxa ay arintaasi noqoneysaa mid qeyb ka noqota horumarka dalka uu gaarayo.
Idale News Muqdisho