Dowlada Mareykanka oo sheegtay in ay qabatey ardey reer Bangladesh oo looga shakiyey inuu qarxiyo Bankiga Dhexe ee Mareykanka

0
261

Sida ay qortey shabakadda New York Post, Dowlada Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtey nin u dhasey wadanka Bangladesh, kuna yimid fiiso ardeynimo, uu doonaayey inuu bomb dhigo dibada hore ee Bankiga Dhexe ee dalka Mareykanka.

Shabakada warkaan faafisey ayaa sheegtey in ninkaan la qabtey da’diisu tahay 21 sano, laguna magacaabo Qazi Mohammed, ayaa isaga oo baabuur wata  yimid dibada hore ee Xarunta Bankiga dhexe, isagoona soo hordhigtey baabuur kale oo la tuhunsanaa oo miineysnaa oo la doonaayey in meel fog laga qarxiyo teleefoonkiisa gacanta ama Mobile.

Nin u hadley laanta dembi baarista dalka Mareykanka oo lagu magacaabo FBI, ayaa sheegey in markii gaariga uu watey Qazi Mohammed la baarey laga helay 20 kiish oo budada laga sameeyo walxaha qarxa oo midkiiba ay ku jirto in ka badan 20kg oo budo ah.

Shabakada oo hadalkeeda sii wada ayaa sheegey in ninka reer Bangladesh uu sidoo kale faafiyey  fariin hordhac ah oo loogu talo galey in la baahiyo ka dib marka uu qaraxa geysto taasoo uu ku sheegaayo inuu qarxiyey xarunta ganacsi Mareykanka isagoo ogolaansho ka haysta urur weynaha Alqaacida.

FBI ayaa tilmaamtey in ninkaan ardeyga ka ahaa dalka mareykanka uu sidoo kale tababarey labo nin oo kale oo doonayey in qaraxyo ka geystaan dalka Mareykanka. Mid ka mid ah Baarayaasha FBI ayaa la sheegey in uu fashiliyey  ninkaan qaraxa la damacsanaa Xarunta Bankiga dhexe ee Mareykanka xiriir dhow oo ilaa 3 bilood uu la lahaa ninkaan wadanka Bangladesh u dhashey, isla markaasna la soo hadley ka hor inta aan la qaban ninkaan.

Ugu dambeyntii, war laga soo xigtey FBI Mareykanka  ayey shabakadu sheegtey  in ninkaani lacago taageero ah ka heli jirey ururka Al-qaacida, isla markaasna uu doonaayey inuu aqoon u yeesho sameynta hubka nukliyeerka ee wax gumaada, waxayna FBI sidoo kale sheegtey in ninkaani diyaariyey weeraro culculus oo gudaha dalka Mareykanka la rabey in laga fuliyo.

Ninkaan ayaa haddii dambiyada loo haysto ay ku cadaado muteysan doono ciqaab adag oo inta noloshiisa ka dhiman  xabsi ka mid ah xabsiyada kooxaha dembiyada argagixiso loo haysto ee dalka Mareykanka ku dhameysan doona.

Xigasho New York Post (HWN/NYP)