Aqriso:Dowlada Madaxweyne Shariif Xasan Oo Sanad Jirsatey, Waxyaabihii U Qabsoomey iyo Guul Darooyinkii Soo Gaarey

0
297

Baydhabo(INO)-Maanta Waxay ku Beegan tahay Maalintii la doortey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Isla markaana ka soo wareegatay Mudo halsano ah oo Siyaasiyiin iyo waxgarad badan ay is waydiinayan Waxyaabaha u Qabsoomey Madaxweynahaa Konfur Galbeed Soomaaliya  iyo Guul darooyinkii Soo gaarey Dowladiisa.

caleemo-saarka-shariif

Waxyaabhii U Qabsoomey Madaxweynaha Koonfur Galbeed

  1. Markii la Doortay Madaxwaynaha Dowlada KG Soomaaliya waxa uu Dib u heshiisi dhex dhigey beelo ku dagaalamey Gobolka Shabellaha Hoose, iyo Garabkii Maamulkii Lixda Gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  2.  Wuxu soo dhisey Gollaha Wasiirada iyo Maamulada heer Gobol iyo heer degmo ah Ee Gobolada Bay iyo Shabellaha Hoose.
  3. Madaxwaynaha Wuxu xooga saaray amniga iyadoona  ilaa iyo 1000  Askari tabaabarkoodi u dhamaday qorina la siiyey sidoo kalena 1500 u dhmaan rabaan tababarkooda.
  4. Sidoo kale waxa dhismo ka socodo Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
  5. Waxaa la dhismo ka socoto wadooyinka iyo Bankiga Dhexe ee Degmada Baydhabo oo lagu keydin doono Hantida dowlada iyo tan dad weynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , isbitaalka dhimirka  iyo Xarun Boolis oo mar dhow la dhisi Doono.
  6.  Sidoo kale waxa dhismihiisa socodo Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
  7.   Maxakamadaha iyo Adeega Garsoorka oo Dib habeyn Lagu sameynaayo
  8.  Madaxeynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxa kale dhawaan xariga ka jaray xafiisyadii wasaaradaha Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku yaallaan Bay Project.
  9. Sidoo kale Wuxu Soo dhagax dhigay Mar uu Booqadey Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Mashruuc Weyn oo  ku kacaayo Aduun Dhan 1,000,0000USD oo wax loogu qabanayo bulshada  Degmadaasi.
  10. Wuxu dhisay Madaxtooyada Dowlada  Koonfur Galbeed ee Baydhabo
  11. Madaxwaynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Wuxu ka qeeb galay dhoor shir oo heer caalami ah oo balan qaadyo badan Looga samayey dib u dhiska KG Soomaaliya.
  12.  Waxa kale Uu Guuleystey in Arday Gaareyso 40 oo la Siyey Deeq Waxbarasho  oo loo direy wax barasho Dibada ah.
  13. Wuxu wareegto Ka Soo saarey Dhululkii  iyo Guryihii Dowlada Hore Ahayd  ee Ku yaalaan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in Mudo 30 Cesho looga Baxo kuwaaso la sheegey in ay u baahan tahay Dowladiisa.

Guuldarooyinka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya.

  1. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu ku fishilmey mudadii halka sano ahayd inuu soo magacaawo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada iyo dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dib u dhacyo badan ku dhacey isla markaana dadka wax falanqeeya ayaa waxay siyaasada madaxweynaha ay u arkeeyeen inuu dano kale  uu ka leeyahay, isla markaaana waxa kale lagu eedayey inuu iska indha tirey Dastuurka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaaliya oo sheegaayo inuu madaxweyne ku xigeen ku soo magacaawey mudo lix bilood gudaheed taasoo aysan dhicin.
  2. Waqtigiisa in badan waxa uu ku dhameeyey safaro dibada ah iyo Magaalada Muqdisho isla markaana waxa uu tagey Dalalka Imaaraadka carabta, Boqortooyada Sacuudi Carabiya,Itoobiya, Kenya iyo dalka Jabuuti.
  3. Kullan Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Dhawaan Shir Gu’doominaayey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxa Digniin  adag Looga direy Siyaasiyiin Sheegey inay Doorayaan Madaxweyne cusub Ka Markii la dhaariyo Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo sheegey inuu dhamaadey xiligii Kumeel Gaarka Dowlada KG Soomaaaliya.
  4. Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaa lagu eedayey inuu Gollaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamanka  Ku soo buuxiyey Beelo aysan U dhalan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaliya  isla markaana wuxu dumeyey Qadiyadii  Shacabka KGS, Sida Wasiiro Dowllaha Wasaarada Maaliyada Ismaaciil Aadan Diiriye oo Ka Soo jeeda Beesha Majeerteen isla markaana Maamulka Puntland ka ahaa Agaasimaha Hay’ada Daryeelka Bulshada xiligii C/raxmaan Faroole iyo Cabdinaasir Cabdi Caruush Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, oo  ah(Hawiye/ Habargidir/ Ceyr) oo  ka soojeedo Gobolada Dhexe Soomaliya

Xasan Baashaa, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here