Muqdisho (INO)—Isagoo la hadlay Warbaahinta, Taliyaha Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cali Cabdulle ayaa waxuu sheegay in uu socdo baaritaano lala xiriira Shilay ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho kadib markii Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM uu halkaasi ku jiraay Gaari kale oo ay la socdeen Ciidamada Nabad Sugidda Dowlada Koonfur Galbeed.
Cali Cabdulle, Taliyaha Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa xusay in su’aalo kala duwan shilkaasi laga weydiiyay labada Dareewal ee ka kala tirsan Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa AMISOM waxaana labada dhinacba ay sheegeen in Shilkaasi si kama ah ku dhacay.
Shalay ayee aheyd markii Shil uu ku dhintay Askari ka tirsan kuwa Nabad Sugidda Dowlada Koonfur Galbeed islamarkaana uu ay ku dhaawacmeen labo kale uu ka dhacay Degaanka Taree-dishe ee Duleedka Magaalada kadib markii Kolonyo ay wateen AMISOM uu ku dhacay Gaari kale oo ay la socdeen Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho