Marka ( INO)-Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Xuseen Shiino oo u warramay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Al Shabaab uu ka bilowday Gobolka Shabeelaha Hoose.
Max’ed Shiino ayaa sidoo kale tilmaamay in deegaanada Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose gebi ahaan laga saari doono sida uu yiri, wuxuuna xusay in dagaal shalay ka dhacay Gobolkaas ay Al Shabaab ugala wareegeen deegaanno gacanta ay horay ugu haayeen.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa cod dheer ku sheegay in Howlgalkaan qorshihiisu uu yahay in maalmo kooban gebi ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose looga sifeeyo Xarakada Al Shabaab.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu tiriyaa meelaha weerarada ugu badan ay ka fuliyaan Xarakada Al Shabaab, waxaana hadalka Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose uu imaanayaa kadib maalin ka hor markii uu guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaas uu ugu baaqay Xarakada Al Shabaab wadahadal.
Idale News Online, Marka