Dowlada Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda amaanka

0
255

Nairobi(INO)-Ciidamada meletariga dowlada Kenya ayaa galay heegan buuxa oo ay kaga hortagayaan weeraro Alshabaab ay ka geystaan dalka Kenya iyo wadamada reer galbeedka, kadib markii Alshabaab muuqaal ay baahiyeen hanjabaado ay ugu direen wadamo Mareykanka uu kamid yahay.

Kenyan-army
Si kastaba ciidamada difaaca Kenya ayaa kor u qaaday amaanka dalkaasi Kenya kadib markii Alshabaab ay ku hanjabeen inay weeraro kale ka geysanayaan magaalooyinka dalka Kenya.
Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay iney yareynayaan hanjabaadaha Alshabaab ayna yihiin kuwo ay doonayaan inay ku qalqal geliyaan shacabka ku dhaqan dalka Kenya.
“Kooxdaasi waxay bilaabeen qaabab kala duwan oo ay dadka ku cabsi geliyaan markii magaalooyin muhiim ah laga qabsaday, marka muuqaalka waxba nooma dhibayo, waana ka hortageynaa”.ayuu yiri afhayeenka ciidamada meletariga.
Muuqaalka Alshabaab ay baahiyeen maalintii sabtida ayaa lagu hanjabay inay weerari doonaan dalalka Kenya, Canada, Uk iyo Mareykanka, gaar ahaan goobaha ganacsiga ee ku yaala dalalkaasi.
Afhayeenka meletariga Kenya ayaa sidoo kale sheegay in muuqaalkaasi uu ahaa mid Alshabaab ay ku argagax gelinayaan dadka u dhashay dalalka loo hanjabay, laakiin ay iska difaaci doonaan weerar kastaa oo dhankooda kaga yimaada.

Idale News Online, Nairobi.