Muqdisho(INO)-Kooxda cadaadiska dalka Kenya oo fadhigoodu yahay Kenya ayaa soo saartay warbixin sheegeysa inay hayso cadeymo la xiriira ku lug lahaanshaha ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya jooga ganacsiga sharci darada ah ee Sokorta iyo Dhuxusha dalka Soomaaliya.
Warbixin ay qoreen (kooxda suxufiyiinta cadaalada) la magac baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM in sanad walba ka soo gasho lacag gaareysa $50m (£33m) canshuur ay ka qaadaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo sokorta laga soo dejiyo dekeda Kismaayo.
Waxana ay taasi u suurtogelisaa in ururka Alshabab lacag soo gasho maadaama ay iyagana ay canshuuraan dhuxusha iyo sokorta soo galaysa ama ka baxaysa deegaanada ay maamulaan.
Warbixinta ayaa ku qiyaastay in 230 gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ay toddobaad walba ka baxaan dekeda Kismaayo iyagoo sida Sokor taasoo si qarsoodi ah loo geliyo dalka Kenya iyadoo wadooyinka laga gelinayana ay og yihiin saraakiil Kenyan ah.
Warbixinta ay kooxdan soo saartay ayaa sidoo kale waxaa ay ku faahfaahisay duqeyn ay diyaaradaha milatariga Kenya duqeeyeen deegaanoka mid ah dhulka ay Alshabaab maamusho, waxana warbixinta lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay tuulooyin ay dad rayid ah degenaayeen,ceelal isla markaana ay ku dhinteen xoolo nool.
Kooxdan ayaa ku eedeysay dowlada Kenya inay ku xadgudubtay awoodihii la siiyay ee Midowga Afrika taasoo ahayd in ay hubka ka dhigaan kooxaha hubeysan ayna baabi’iyaan ilaha ay dhaqaalaha ka heli karan argagaxisada.
Afhayeenka Ciidanka Kenya Devid Openya ayaa ku tilaamay warkaasi in uu yahay mid been abuur ah,waxaana uu intaa ku daray in Ciidanka Kenya ee jooga Koofurta Soomaaliya goobihii ay joogi jireen la dejiyay Ciidamo ka socda Waddamada Burundi,Nigeria iyo Itoobiya.
Waxaana uu is weydiiyay sida Ciidanka Kenya ay ugu lug lahaan karaan Dhoofinta Dhuxusha iyo Sokorta ka soo degtaDekadda Magaalada Kismaayo oo dhinaca Waqooyi Bari Kenya loo gudbiyo halkaas oo Al-shabaabna ay Cansuur ka qaadaan.
Idale News Online, Muqdisho