Japan: Maraakiib dagaal oo ka socota dalka Jaban ayaa gaaray xeebaha dalka Sri Lanka,waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Saraakiisha Badda Dowladaasi.
U jeedka Maraakiibta Jabaneeska ay u gaareen Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen xeebaha Soomaaliya si ay u sii laba jibaaraan dagaalka lagula jiro Burcad Badeeda Soomaalida.
“ Ujeedka Maraakiibtaan gaartay Sri Lanka waxay tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Burcad Badeeda,waxay u sii gudbi doonaan Gacanka Cadan iyo xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada Badda Jaban.
Dowlada Jaban ayaa horay qeyb uga ahayd howlgalka waxa loogu yeero Burcad Badeeda Soomaalida,waxayna hada balan qaaday inay howlgalkaasi sii laba jibaareyso.
![]()
Idale News Online, Tokyo, Japan.



