Dowlada Ingiriiska oo horey uga digtay Waxii Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Dowlada Soomaaliya oo dhagaha ka fureesatay Digniinahaasi

0
206

british Flag

Maalmo kahor Dowlada Ingiriiska ayaa soo saartay Digniino ku aadan in Magaalada Muqdisho ee ka dhacaan Qaraxyo iyo Weeraro xoogan ee geestaan Kooxaha Argagaxisada ah , waxa eeyna Muwaadiniinteeda uga digtay in ee tagaan Magaalada Muqdisho.

Digniinta ee soo saartay Dowlada Ingiriiska ayaa la xariirtay Qorshayaal ee diyaarinayeen Kooxaha inta badan Qaraxyada iyo Dhibaatooyinka ka geesta Magaalada Muqdisho iyadoona maanta ee soo baxday Waxii laga digayay.

Dowlada Soomaaliya ayaana dhagaha ka fureesatay Digniinta ee soo saartay Dowlada Ingiriiska waxa eena Sheegeen Masuuliyiin Dowlada u hadlay in Digniinta Ingiriisku soo saareen uu yahay mid kabad badis ah amaanka Magaaladana uu yahay mid la xaqiijiyay lagana hor tagayo Falal Argagaxiso oo ka dhaca.

Maanta ayeyna dhaceen Qatartii ee ka digtay Dowklada Ingiriiska iyadoona Muqdisho maanta u aheed maalin naxtin badan ee hareeyeen Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah iyo weerarao Qorsheesan ee mudooyinkan diyaarinayeen Kooxda Al-Shabaab.

In kabadan 20-Qof oo Shacab u badnaa eyna ku jireen Samafalayaal Turki ah ayaa maanta ku geeriyooday Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka kala dhacay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir iyo sidoo kale inta u dhaxeysa Isgooska KM-4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee NMagaaldaa mUqdisho.

Weeraradan Maanta gil gilay Magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in ee jiraan habacsanaan dhinaca amaanka ah , Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaana marar badan balan qaaday in ee adkeenayaan amaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayna ka hortagayaan falalka Foosha xun ee maleegayaan Argagaxisada Soomaaliya.

Idale News Muqdisho