Dowlada Imaaraadka Carabta Oo Dib U celisay Diyaarad Uu La socday Madaxweynaha Dalka Kenya

0
235

Dubia(INO)-Warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahisay in Ciidamada Cirka dalkaasi ay dib u celiyeen diyaarad uu la socday Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Uhuru-Kenyatta

Xiliga la celinaayay ayaa waxa ay diyaaradaasi kusii jeeday magaalada Dubai, waxaana lagu amray inay dib uga baxdo Hawada dalkaasi, kana degto garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Qoraal ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku sii jeeday magaalada Dubai si uu uga sii gudbo magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.

‘‘Kadib markii aan maqalnay warar sheegaya inuu sii siyaaday dhaq dhaqaaqii militari ee dalka Yemen hawadii la sii marayana ay caqabad kasoo baxday ayaa la go’aansaday in dib loo noqdo’’ ayaa lagu yiri qoraalka.

Diyaaradii waday madaxweynaha ayaa muddo kadib dib ugu soo laabatay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Uhuru ayaa lagu wadaa inuu magaalada Los Angeles uga qayb galo shir madaxeed looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha waa weyn ee dunida kajira.

Idale News Online, Abu Dhai

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here