Dowlada Iiraan oo Maraakiib u dirtay Dalka Yaman iyo Mareykanka oo digniin Culus u diray Iran

0
200

Tahran(INO)-Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa uga digay Iran in ay wax taageero ah u fidiso dagaalyahanada ka dhanka ah dowladda Yemen ee Xuutiyiinta.

Wareysi uu siiyay telefishin, ayuu Kerry waxa uu ku sheegay in mareykanka uu taageero u fidinayo waddan kastaa oo ku yaala bariga dhexe oo dareemaya in Iran ay cabsi gelinayso.

Arbacadii ayaa Iran waxa ay labo Markab u dirtay dekadda magaalada Cadan si ay u taageeraan fallaagada oo loolan ugu jira sidii ay u qabsan lahaayeen maamulka magaaladaasi.

Usbuucyadii la soo dhaafay ayaa Xuutiyiinta oo sida Iraaniyiinta oo kale ah shiico ayaa qabsaday dhul aad u ballaaran.

Mareykanka ayaa taageerayay xulufada uu Sucuudiga hormuudka ka yahay ee cirka ka duqeynayay saldhigyada xuutiyiinta.

Idale News Online, Tahran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here