Dowlada China Oo Sheegtey In 2.2 Million Ugu Deeqeyso Talisyada Ciidamada DFS iyo AMISOM

0
233
china
china

Bajin(INO)- Qoraal kasoo baxay Dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu ay dhaqaale adag ugu yabooheyso Talisyada Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee dagaalka xoogan kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.

Qoraalka Dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in Talisyadaasi ay ugu deeqeyso dhaqaale dhan 2.2 million oo dollarka mareykanka ah.

Shiinaha ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi ay ku bixineyso magaca Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka Somalia, balse aysan aheyn mid loogu yaboohay madaxda Dowladahaasi.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan dhaqaalahaasi ay qeyb ka tahay Iskaashiga Dowladda Shiinaha iyo Ururka Midowga Afrika “AU” ee Amaanka iyo Nabadda Somalia.

Qoraal kale oo kaasi lamid ah kana soo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa isna lagu sheegay in 1.2 million oo ka mid ah Deeqdaasi loo adeegsan doono Taageeradda Ciiddanka AMISOM oo la sheegay inay ku shaqeynayaan Xaallad aad u dhibaato badan.

Sidoo kale, 1 million oo Dollar ayaa la sheegay in loo adeegsadan doono sidii Ciiddanka Qaranka Somalia loogu dhisi lahaa Bakhaar ay ku kaydsadaan Hubka iyo qalabka Ciiddanka.

Dhanka kale, deeqahaasi ayaa waxaa la filayaa in waxbadan looga bedelo baahiyaha Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM, waxaana xili waliba suuragal ah in la musuq-maasuqo.

Idale News Online, Bajin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here