Kismaayo(INO) —Maalintii sedexaad waxaa magaalada Kismaayo ka socota doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka Qeybta Jubaland, ayadoo maanta la doortay ilaa Todobo mudane.
Musharixiinta maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa kala ah sidan;
- Haashim Nuur Aadan
- C/laahi Abuukar Xaaji
- Maxamed Cali Cumar
- C/qaadir Aadan Nuur
- Jibriil C/rashiid Xaaji
- Xasan Cabdi Ismaaciil
- Max’ed Cali Daqarre
Hoolka ay doorashada ka dhaceeysay ee Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayay dadweeeyne tiro badan oo taageerayaal ah oo u dabaaldegayay musharixiintii ku guuleysatay doorashadii maanta.
Ugu dambeeyey Todobadan mudane ee maanta la doortay ayaa tirada guud ee mudaneyaasha baarlamanka dalka ee lagu doortay Kismaayo ka dhigeeysa ilaa 20 Mudane, waxaana la filayaa in maalmaha nagu soo aadan la doorto 23 mudane oo ka dhiman tirada laga doonayo Jubaland.