Doorashada Madaxtanimo ee Ruwanda oo saaka bilaawaneyso

0
196

Muqdisho(Idale) Dadweynaha reer Ruwanda ayaa u dareeraya maanta goobaha ay ka dhacayaan cod bixinta doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, ayadoo siweyn loo hadal hayo in markale uu ku guuleysan doono xisbiga talada haaya ee dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame ayaa dadaal xoogan ugu jiraa in markale uu ku soo laabtay qabashada xilka madaxtinimo ee dalkaasi taasi oo haddii ay dhacdo ay noqonayso markii 3aad oo uu xafiiska madaxtinimo ku soo laabto.

Mr Kagame oo ah 59 jir ayaa waxaa uu la loolamaya ilaa labo musharax oo ka kala ah Frank Habineza oo ka socoda xisbiga Democratic Green iyo Philippe Mpayimana oo ah musharax madaxbanaan.

Musharixiinta la tartamaysa madaxweyne ka Game ayaa walaac ka muujinaya in taageerayaashooda cadaadis ay lakulmaan inta ay socodaan howlaha doorashooyinka,

Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame oo talada dalkaasi qabtay sanadkii 2000 ayaa ku guluugeystay in dalkaasi uu gaarsiyo horumaro dhinacyo badan leh sida dhaqaalaha, waxa uu haystaan taageerayaal aad u farabadan marka loo fiiriyo dadka kale ee la loolamaya.

Dastuurka dalka Ruwanda ayaa 2015 isbedel lagu sameeyey ayadoo uu madaxweyne kagaame uu siinayo fursad ah in wadankaasi uu sii hogaamiyo ilaa 2034.