Dood cilmiyeedka looga hadlayay sida dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan ammaanka oo Muqdisho ka dhacay

0
253

Dood cilmiyeed looga hadlayay looga hadlayay qaabka dhalinyarada Gobolka Banaadir uga qeyb qaadan karaan ammaanka iyo xasilinta dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 100-dhalinyaro oo ka kala socotay 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay Hay’adda CCD oo iyadu kulankaan soo agaasintay, isla markaana kulamo kala duwan horay ugu qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Jacfar oo ka hadlayay doorka maamulkiisu ka qaadanayo horumarinta dhallinyarada iyo tirakoobka dadka degan degmada, wuxuuna sheegay in dhallinyarada maanta ay yihiin kuwo ka nasiib badan dhallinyaradii 20-sano kahor dalka joogtay xilligaas oo uu sheegay in dhallinyarada ay u caaboonaayeen qoriga iyo hubka kala duwan.

Waxa uu sheegay in dhallinyarada maanta ay leeyihiin nasiib wacan, bacdamaa maanta la joogo xilli ay dadka u ooman yihiin nabad isla markaana ay naceen qaadashada hubka iyo jawiga colaadeed.

“Dhallinyarada way is garanayaan wayna ogyihiin midkooda Shabaab ka tirsan, midkooda dalka ka dhoofay iyo midkooda aan wax rabsho ah sameynin” ayuu yiri Guddoomiyaha deg. Howlwadaag oo ka dalbaday dhallinyarada Soomaaliyeed inay horseed u noqdaan nabadda, isagoo ku ammaanay doorka dhallinyarada iyo haweenka ay ka qaadeen isbedelada horumarineed ee ka dhacay degmadiisa.

Guddoomiyaha Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD Ciise Axmed Cumar ayaa ka hadlay ujeedada kulanka laga leeyahay, isagoo sheegay in dhallinyarada maanta oo ka aqoon badan dhallinyaradii SYL sababta ay dalkooda uga xoreyn la’yihiin kuwa dhibaatada ka wada dalka.

“Soomaaliya diinta Islaamka way maqashay wayna qaadatay, waa maxay jihaadka la sheegayo ee dadka Islaamka ah lagu leynayo?” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda CCD oo sheegay in dalkaan kuwa dhibaatada ku haya ay ka soo weerareen saddex jiho oo kala ah: Dhallinyarada, Dhaqanka iyo diinta.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha CCD in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada looga baahan yahay inay u midoobaan sidii ay dalkaan uga badbaadin lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya ee barakiciyay shacabka isla markaana dalka u horseeday burbur.

Xoghayaha degmada Howlwadaag Cusmaan C/lle Mataan ayaa uga mahad celiyay hay’adda CCD dood cilmiyeedkan ay soo qaban qaabisay, isagoo ka codsaday inay kordhiyaan qaban qaabada iyo kulamada noocaan oo kale ah, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galayaasha kula dardaarmay inay uga faa’iideeyaan asxaabtooda iyo deriskooda aan nasiibka u helin ka qeyb galka dood cilmiyeedkaan.

Kulamada is dhex galka bulshada ee loo qabanayo dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah dadaalo ay wado Hey’adda CCD oo ay ku xoojineyso Dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay lagu adkeynayo nabadgelyada dalka oo udub dhexaadu ah dhalinyarada.

IMG_5215IMG_5224IMG_5232IMG_5251IMG_5261IMG_5276IMG_5300IMG_5341IMG_5366IMG_5374IMG_5392IMG_5395IMG_5470

 Idale News Online Mogadishu