Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay Hoos-taga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay

0
257

Burhakaba(INO) — Diyaaradaha Dagaalka ee Qummaatiga u kaca ayaa duqeeyay deegaanno ku dhow degmad a Buur-hakaba ee Gobolka Bay, inkastoo aan la ogeyn khasaraha ka dhashay duqeyntan.

Diyaarado_Dagaal_Duqeymo_Somalia

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay qayb ka yihiin Diyaaradaha Itoobiya ee qaybga ka qaadanaya howlgallada AMISOM ay kaga horjeeddo Al-shababaab. Iyadoo wararku intaas ku darayaan in duqeymanahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas raacinaya in diyaaradahan ay duqeeyeen qaar ka mid ah gaadiidka Al-shabaab, kuwaasoo marayay goobaha la duqeeyay sida ay wararku sheegayaan, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin duqeyntan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay inay maqlayeen duqeynta ay geysanayeen diyaaradaha dagaalkan, waxaana la arkayay, iyagoo jawi hoos ku duulayay deegaanada ay kor marayeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka ah ay ka wadeen duqeymo deegaannada ay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan tahay  Al-shabaab, xilli dhanka kale ay socdaan howlgallo millateri oo labada degmo looga qabsaday Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Todobaad lasoo dhaafay ayay ahayd markii duqeyn ay diyaarado ka geysteen duleedka Buurhakaba ay ku dhinteen 10-qof oo shacab ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, sida uu sheegay maamulka Degmada Buuhakaba.

Idale News Online, Burhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here