Muqdisho(INO) — Faahfaahin ayaa kasoo baxaya diyaaraddii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose; taasoo la sheegay inay kasoo duushay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayna ku socotay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.
Garoonka Balli-doogle ayaa waxaa saldhigyo ku leh ciidammo ajnabi ah oo isugu madow iyo caddaan oo ay ku jiraan kuwa AMISOM, kuwasaoo dowladda Somalia gacan ka siiya tababaridda ciidamada millateriga.
Inkastoo aysan weli war kasoo saarin maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM ay gaareen deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday oo lagu magacaabo Cismaan Durre oo 9-km u jira degmada Afgooye.
Deegaankan ayaa waxaa gacanta ku haysay Al-shabaab, balse ciidammo huwan ah ayaa gaaray goobta, kuwaasoo la wareegay amniga diyaaradda, waxaana ka da’ayay xilligaas deegaanka roobab xooggan.
Taliska ciidamada AMISOM oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd mid aan diiwaan-gashanayn, balse ilo wareedyo kale ayaa laga soo xigtay in diyaaraddu ay u kireysnayd qandaraaslayaal la shaqeeya ciidamada AMISOM.
Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daray in diyaarada ay la socdeen inta u dhexeysa sagaal qof illaa 11-qof. Iyadoo aan illaa hadda la ogeyn xaalka ay hadda ku sugan yihiin, inkastoo mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ay sheegeen in shaqaalihii la badbaadiyay.
Illaa hadda lama oga dalka iska leh diyaaraddan iyo weliba dadkii sarnaa dalalka ay u kala dhasheen. Balse mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanno, iyagoo sheegay inay baaritaannadooda kaddib ay soo bandhigi doonaan faahfaahin rasmi ah.
Ugu dambeyn, Wararku waxay sheegayaan in diyaaradu ay u soo dhacday sabab la xiriirta cilimada oo xumeyd iyo roobab mahiigaan oo deegaankaas ka da’ayay xilligaas; laakiin ma jiro war cad oo ku saabsan sababta ay diyaaraddani u dhacday.
Idale News Online, Muqdisho