Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday waqooyiga dalkaas, si ay u xaqiijiyaan gacan ku heynta magaalada Kidal.
Islaamiyiinta ayaa isku uruursanaya nawaaxiga magaalada Kidal oo u dhow xuduuda Algeria, halkaasoo la aamisan yahay in lagu heysto muwaadiniin u dhashay Faransiiska.
Diyaaradaha ayaa beegsaday xerooyin taabar iyo xarumo isgaarsiin ay lahaayeen Islaamiyiinta, iyadoo howl galka Faransiiska ku qaaday dalkaas uu galay saddex todobaad.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo sabtidii booqasho ku tagay dalka Mali ayaa balan qaaday inay Mali ka caawinayaan dib u dhiska, kadib markii Islaamiyiinta ay ka saareen waqooyiga dalkaas.
Garoonka diyaaradaha Kidal oo ay arbacadii la wareegeen ciidamada Faransiiska ayaa halkaas waxaa ka socday diyaar garow, waxaana muuqata in wajiga koowaad ee dagaalka islaamiyiinta Mali uu soo gaba gaboobayo.
Idale News Muqdisho