Diyaarad wada Rakaab lagu qiyaasaey190 qof oo Garoonka Kismaayo ka degay.

0
217

Wararka ka imaanaya magaalada Kisamayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada ay maanta ka degtay diyaarad ay la socdaan xujeey ka yimid dalka Sucuudiga.

Ku dhawaad 190-qof oo ay ku jiraan xujeey ayaa ka mid ahaa dadkii maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, kuwaasoo ka yimid magaalada Muqdisho oo ay soo mareen.

Dadkii la socday diyaarada waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay maamulka ku-meel gaarka ee magaalada ka jira.

Waa markii ugu horreysay ee diyaarad rakaab ah oo ka degto magaalada Kismaayo ee koofurta Soomaaliya oo dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Magaalada Kismaayo sida ay lee yihiin ilo lagu kalsoonyahay waxa soo gaaraya wafuud caalami ah oo ka immaaneysa Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasoo gogal xaar u ah shirka la doonayo in uu ka dhaco halkaasoo looga hadli doono aayaha gobbalada Jubbooyinka iyo Gedo

idale News Kismaayo