Buurhakabo (KON) –– Diyaarad Nooca aan Duuliyaha laheyn, oo loo maleynayo inay leedahay Dowladda Mareykanka ayaa waxay Maanta oo Axad ha ku burburtay Duleedka Degmada Buurhakabo, ee Gobolka Bay.
Diyaarada ayaa kusoo dhacday Deegaanka Buur Eyle, ee Duleedka Buur-Hakabo oo Kooxda Al shabaab ay maamusho, waxaana lagu soo waramayaa inay Al shabaab qaateen Sanduuqa Macluumaadka Diyaarada lagu keydiyo.
Wararku waxay sheegayaan in Diyaaradda aan lasoo ridin oo iskeeda usoo dhacday, waxaana aad u adag in Macluumaadka arrimahaasi la helo, maadaama Kooxda Al shabaab ay ku sugan tahay Deegaanka ay Diyaaradda Drone-ka ah ku dhacay.
May 27, 2013 Diyaarad Drone ah oo Mareykanka uu leeyahay, ayaa ku dhacday Deegaanka Buulo Mareer, ee Gobolka Shabeellaha Hoose xilligaasina waxaa maamulayay Deegaankaasi Kooxda Al shabaab.
Idale News Online – Xafiiska Buurhakaba