Dhismaha marshabiyediyada iyo wadooyinkan oo haatan kasocda isgoyska km-4 ilaa iyo akademiyada general Kaahiye ayaa waxa kasocda howl isugu jirta bur burinta marshabiyediyadii bur buray hagaajin iyo nadiifinta jidadka iyo marshabiyeediyada haatan dhismaha lagu wado
Dhismahan oo haatan sitoos ah uga socda agagaarka suuqa Beerta ee degmada Waaberi ayaa lagu wadaa cabir xaaqis iyo dhismo ay kaqeyb gelayaan qalab culus oo,ay leedahay dowladda turkiga iyo shaqaale isugu jira Somali iyo Turkish
Marshabiyediyadii kubur buray 22-kii sano ee laso dhafay ayaa hadda la arkayaa iyagoo dib loo dhisay inta udhaxeysa akademiyada general kaahiye ilaa km-4 iyadoo jidadkana lahagaajiyey hase yeshee ay sugayaan oo keli ah in lasaaro agabkii loogu talagalay oo kadhigi lahaa siduu ahaanjirey laamigu xiligii hore.
Afhayeenka gobolka Banaadir Maxed Yusuf Cusmaan oo Tv-ga iyo Radio Muqdisho kula hadlay goobta howshu kasocotey ayaa sheegay in talaabadani tahay mataneyntii magaalooyinka iyo casimada ah labad ee Istanbul iyo Muqdisho
Maxed Yusuf Cusmaan Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa qeexay in marka lasoo gunanado hagajinta wadooyinkasi laga hirgelin doono dhismaha nalalkii kushaqeynayey ileyska cadceedda .
Magaalada Muqdisho ayaa haatan leh muuqaal aad uga wanaagsan keedii hore markey maamulka gobolka Banaadir u istaageen sare uqaadista bilicdii Xamar iyo dhismahan hadda kasocda gobolka Banaadir oo soo jiitey darteenka bulsha weynta Soomaaliyeed.
Idale News Muqdisho