Waxaa jira warar isa soo taraayo oo sheegaayo in dib u dhac uu soo food saarey magacaabista xubnaha golaha wasiirada oo la filaayey ka hor ciida barakeysan ee ciidul Adxa iyadoo ay ugu wacan tahay khilaaf weli ka dhex aloosan qaar xubnaha ka mid ah oo madaxda dowladda isku wada raacin.
Tirada wasiirada ayaa la isku afgartey in aysan ka badnaan 18 wasiir. waxaana ilaa iyo hadda la diyaarsan xilalka 12 wasaaradood taasoo meesha ka saareysa in golaha wasiirada la gaarsiiyo ilaa 23 wasiir.
Golaha Wasiirada cusub ayaa ka duwanaan doona hababkii hore ee wax lagu soo xuli jiray, waxaana haatan la wadaa xubno cusub oo u badan qaar waayo u joog u ahaa siyaasadaha dalka ka jiray. Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar gaar ah kulamo u lahaa, kaasoo ku aadan xulista Golaha Wasiirada
Wajiyada cusub ee laga dhex arki doono Golaha Wasiirada ayaa noqon doona kuwo aad ugu dhow Madaxweynaha, gaar ahaan kuwa geed fadhiga u ahaa Xisbiga uu madaxda u ahaa ee PDP, waxaana qaarkood la sheegay in horay ugu balan qaaday Wasiiro hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.
Xubnaha qaar ayaa ah kuwo dhaqaalaha Xisbiga ku baxa bixinayay, waxaana ragga qaar ay madax ka soo noqdeen Hey’ado Islaami ah iyo ururo kale, waana tallaabo uu Madaxweynaha ku dhiiraday inuu durba balankiisa ka dhabeeyo.
Golaha wasiirada ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in la shaaciyo dhamaadka bishan, maalmo kadib Ciida Carafo
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com