Galkacyo(INO)-Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa ku waramaya in saaka halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.
Iska horimaadkaan ayaa ka dhacay xadka ay Gaalkacyo ku leeyihiin Labada maamul, iyadoo Hal qof uu halkaasi ku dhintay Shan kalena dhaawac uu soo gaaray.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay xalay kasoo dhaqaaqeen fariisinkoodii hore, lana arkay iyaga oo saaka ku sugan meel ay horay difaacyo u dhigteen ciidanka Galmudug.
Taasi waxay keentay in dib loo dagaallamo, waxaana dib u laabtay ciidamadii Puntland, iyadoo hadda Labada dhinac ay kala joogaan meeshii ay ku ogaayeen Odayaashii nabadeynta waday.
Rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan Labada ciidan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dadaal ballaaran oo ay ku dooneyso inay ku xalliso xiisadda Gaalkacyo, iyadoo Ra’iisul wasaare Cumar iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa ku sugan yihiin magaalada Garoowe.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Idale News Online, Galkacyo