Dhegayso:-Siyaasi Yacquub Maxamed Cabdalla Oo Dhaliilay Qaabka Dr. Gaas u Qaybiyay Xilalka Gobolka Mudug ee shalay uu Wareegto kusoo saray

0
409

Garowe(INO)- Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Degmada Galkacyo Mudane Yacquub Maxamed Cabdalla oo manta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa kasoo horjeestay qaabkii Madaxwaynaha dawladda Puntland uu u magcaabay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee shalay intoodii badnayd xilalkii laga qaaday.

Waxaa uu soo dhaweeyay talaabadii Madaxwaynuhu qaaday xili Gobolka Mudug xalad adag ka jirtay taas oo la xariirtay dhanka amniga, waxaana uu sheegay in Madaxwayne Gaas in qaybtii xilalka uu sameeyay eex taas oo meesha ka saaraysa in dadka walaalahaa ee Gobolka Mudug loo simo xilalka Gobolka.

‘’Madaxwaynuhu Wuxuu Wareegtadii kasoo baxday cadysay shaqsiyada Madaxwayne Cabdiwali Gaas, waxaana dadku sugayay in mudadii la doortay Madaxwayne Gaas la sugayay in uu ballaariyo maamulka balse sidii hore ee uu ahaa uu kasoo koobay hada’’Ayuu Yiri Siyaasi Yacquub Maxamed Cabdalla.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in laga digtoonaado dhibaato xiligaan ku timaada bulshooyinka Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay bulshada Gobolka looga baahan yahay isku duubnaan, ayna midnimadooda saamayn waxqaybta Madaxwaynaha Puntland ee xilalka Maamulka Gobolka Mudug.

‘’Degmooyinka Saaxo iyo Tawfiiq oo Gobolka kusoo biiray wali maysan helin xaqoodii, mana muuqato xiligaan talaabo loosiiq aadayo dhanka balaarinta Maamulka Gobolka Mudug’’ Ayuu Yiri Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee degmada Gaalkacyo.

Isimada iyo Bushadii Gobolka Mudug ee isbadalka doonaysay ka hor doorashadii Puntland ee 2014 waxaa uu sheegay in ay xujaysan yihiin loona baahan yahay in manta ay ka dhiidhiyaan qaabka Madaxwayne Gaas xiligaan u wajahay Isbadalkii uu shalay ku sameeyay maamulka Gobolka Mudug.

Hadalka Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xili shalay Madaxwaynaha Puntland uu isbadal ku sameeyay Maamulka Gobolka Mudug, laamaha amniga iyo kan Degmada Gaalkacyo.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Keyse  Muuse , Garowe

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.