Qowmiyadaha caalamka ku kala nool ayaa leh dhaqamo iyo caadaad aad u kala fog, ayadoo qolo walbaaba ay leedahay dariiqad gooni ah oo ay wax ku cabiraan ama ku caabudaan.
Hadaba dalka Mali oo ka tirsan qaarada Africa ayaa waxaa laga yaqaanaa dhaqan aad u yaab badan oo dad badanina ay diin ahaan u caabudaan.
Dhaqankaan ayaana ah in sanadkiiba halmar hal meel la isugu keeno dhamaaan dadka kaluumeysatada ah ee wadankaasi ku nool, waxaana lagu kulmiyaa goob biya deggeen ah (War) taasoo dadku ay ka aaminsan yihiin in ay tahay meel barakeysan
isla markaana dadkii hore ee wanaagsanaa ay kasoo jeedaan.
Biyo deggeenkan ayaa kaluumeysata loo fasaxaa iyagoo gacmahooda la gala si ay kalluun uga raadsadaan, waxa ayna hal mar ku xoomaan goobtaasi ayagoo ka badan tobonaan kun oo kaluumeysato ah.
Arintan ayaa ah caado soo jireen ah oo dadka dalkaasi Mali ku nool aysan marnaba iloobin, sanad walbo ayeyna usoo diyaar garoobaan in ay xaruntaasi kuwada xoomaan, ayadoo kaluun laga raadinayo, sidoo kalena la barakeysanayo, maadaam aay ka aaminsan yihiin meel aad u barakeysan oo dadkii wanaagsanaa ay kasoo jeedaan.
[vsw id=”_Tc6ywqoL6o” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho