Muqdisho(INO)-Xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa Xukuumada ugu baaqay dar dar gelinta Go’aankii ka soo baxay Mooshinkii ka dhanka ahaa Baarlamaanka maamulka KMG Jubba.
Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka oo dhaliishanaa baarlamaanka lakala diray ee Jubaland,
Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo kulanka kadib saxaafada u aqriyay warmurtiyeeedka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waajibaadkiisa ka gutay Baarlamaan aan Cadaalad ahayn oo uu sheegay in lagu soo dhisay danaha shaqsiyaad gaar ah.
Waxa uu Xukuumada ka dalbaday inay dar dar geliso Go’aankii baarlamaaniga ahaa ee laga soo saaray Mooshinkii la meelmariyay ee xildhibaannadii lagu mursanaa ee Kismaayo lagu kala diray.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho