Dhageyso:Xildhibaan Ruqiyo Xasan Nuur Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha BKGS Oo Xaqiijisay in wiilal walaalo Ah AMISOM Ku Dileen G/Sh/Hoose

0
197

Baraawe(INO)— Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in labo ruux oo walaalo ah ku dileen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaano Koofur Galbeed ka tirsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la sheegay inay ka tageen magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Baraawe ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka labada wiil ee walaallaha ah.

Magacyada  laba wiil ayaa lagu kala sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ahaa, waxaana lagu dilay deegaan ku yaala duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Ruqiyo Xasan Nuur oo kamid ah xildhibaanada Koofur Galbeed, ayaa xaqiijisay in caruurtaasi lagu dilay duleedka degmada Baraawe.

Waxayna sheegtay in ciidamada AMISOM ay ka dambeeyeen dhacdadaasi.

Waxay ku baaqday in ciidamada AMISOM lagula xisaabtamo dhibaatooyin badan oo ay sheegtay inay ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM, balse marar badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo dhibaatooyin kale ka geystan gobolka Shabeellaha Hoose.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baraawe